Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya oo magaalooyin hor leh kala wareegay TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaalada warar itoobiya u sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle .

Waxa uu sheegay in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka  Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhanka Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this