Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaradii lagu dilay Qaraxii Gelato Divino oo la aasay

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuro ku yaalla isbitaalka ciidanka Xoogga dalka Aas wadareed loogu sameeyey dhalinyaradii lagu laayey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Gelato Divino oo ku taalla wadada aada garoonka Aadan Cadde.

Waxaa aaska ka qeyb-galay ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galay saalada Janaazada iyo aaska ayaa Alle uga baryey dhalinyaradaasi inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey mas’uuliyadda qaraxan oo lagu laayey dhalinyaro ku qax-weynayey maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this