Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaradii ku geeriyootay Qaraxii Gelato Devino oo wadar loo aasay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isbitaalka Xoogga waxaa si wadajir ah loogu aasay sideed dhalinyaro ah oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Gelato Devino oo ah goob ay bulshada isugu timaado oo ku talla wadada garoonka Aadan cadde.

Qaraxa wuxuu ahaa mid xoogan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, saameyn ballaaran ayuuna geystay maadaama ay waxyeello kasoo gaartay dad intaas ka badan.

Aaska dhalinyaradaan waxaa kasoo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, masuuliyiin ka tirsan dowladda, dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ehelladda dhalinyarada sida wadajirka ah loo aasayay.

Qaraxaan ayaa kusoo aaday xilli xaalado cabsi leh ay ka jiraan magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka dalka oo aan wali la isku waafaqin, waxaana jirta in dadku ka cabsi qabaan iney khalalaaso dhaliso.

Xubnaha Mucaaradka ayaa Muqdisho ku shiray dhawr maalmood, waxeyna qaadaceen oo ay ku baaqeen in la badalo guddiyadii doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday, mana jirto wax la isla fahmay ilaa iyo hadda.

Ugu dambeyntii dhalinyarada geeriyootay mid ka mid ah oo la shaqeynayay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la sheegay inuu shalay uun dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku maqnaa.

The post Dhalinyaradii ku geeriyootay Qaraxii Gelato Devino oo wadar loo aasay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this