Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Itoobiya oo war cusub kasoo saaray Dagaalka ka socda Gobolka Tigray+Magaalooyin ay qabsadeen & Ciidamada Tigrayga oo Xalay Gantaalo ku Garaacay Asmara…

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Tigray

 shide-300x169.jpg

 Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markale ka hadashay dagaalka xoogan ee ay kula jirto maamulka TPLF, kaasi oo maraya meel xasaasiya, iyada oo ay fashilmeen dadaaladii lagu dhex-dhexaadinayay labada dhinac.

Wasiirka Maaliyada dowlada Itoobiya, Axmed Shide oo arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay sida ugu dhaqsaha badan u soo geba-gebayn doonaan dagaalka ka socda gobolka Tigrayga.

Axmed Shide ayaa ku adkeystay in dagaalka ay xukuumada Abiy Axmed ku qaaday maamulka Tigrayga uu yahay mid sharci ah, maadama uu ku dooday inay madaxda TPLF ka baxeen xayndaabka dowladnimo.

Wasiirka oo wareysi siiyey wakaalada France 24 ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalada xiligan ka socda gobolka Tigray uu yahay mid ay xukuumadiisu kusoo celinayso ‘amarka iyo kala dambeynta’.

“Howlgaladan waa mid amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo ujeedkiisana uu yahay in jabhadda TPLF looga badbaadinayo shacabka Tigray” ayuu yiri Wasiir Axmed Shide.

Axmed Shide ayaa wax laga-xumaado ku tilmaamay xasuuq uu sheegay inay maamulka TPLF ka geysteen magaalada Mai-Kadre, midkaasi oo ay ku ladeen boqolaal dad rayid ah.

Sidoo kale waxa uu eedeymo la xiriir tacadiyo ka dhan ah bini-aadamka u jeediyay ciidamada maamulka Tigray oo uu sheegay inay si arxan darro ah u geystaan falal laga yax-yaxo.

Inkasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo xadiga tacadiyada ka dhacay gobolka uu dagaalku ka socda ee Tigray, ayaa haddana waxa soo baxaya in xasuuq badan uu ka dhacay gudaha gobolkaasi, iyada oo labada dhinac ee ku dagaalsan uu midba ka kale dusha u saaro mas’uuliyada falalkaasi.

Si kastaba, dagaalka Tigray ayaa kasii daray, kadib markii ay xukuumada Abiy Axmed ay sheegtay inay qabsaneyso caasimada ismaamulkaasi, isla markaana ay sharciga horgeynayso madaxda TPLF, taasi oo ay ka biyo diideen madaxda maamulkaasi.

Milatariga Itoobiya oo guulo ka sheegtay dagaalka gobolka Tigrey

Milatariga Itoobiya
Milatariga Itoobiya

Militariga dalka Itoobiya ayaa waxay shegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku taalla gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya.

Milatariga Itoobiya ayaa muddo toddobaadyo ah dagaal xooggan kula jiray xoogagga Tigrey.

Janaraal Xassan Ibrahim ayaa sheegay in Milatariga ay gacanta ku dhigeen Wikro, iyo magaalooyiin kale oo ku teedsan caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowoladda sheegtay inay bilaabayso “wajigii ugu dambeeyay” ee howlgalka Tigrey.

Boqollaal qof ayaa lagu soo waramaya inay ku dhinteen dagaalka, halka kumannaan qof lagu qasbay inay guriyahooda ka qaxaan.

Kulan uu shalay la qaatay ergo ka socotay midowga Afrika ayaa rai’sul wasaare Abiy Ahmed waxaa uu u sheegay in la dhowri doono badqabka dadka rayidka ah ee gobolka.

Balse lama soo hadal qaadin suurtagalnimada wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka.

Horey rai’sul wasaaraha Itobiya waxuu sheegay in militariga ay isku dayi doonaan inaysan waxyeelo u geysan dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Mekelle.

Magaalada Mekelle ayaa waxaa ku nool 500,000 oo qof islamarkana waxaa shacabka looga baaqay in guriyahooda joogaan.

Madaxada TPLF, ee gacanta ku haysa magaalada Mekelle, ayaa waxay wacad ku mareen inay dagaalka sii wadi doonaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhankeeda ka digtay suurtagalnimada dambiya dagaal, haddii militariga Itoobiya ay weeraraan magaalada Mekelle.

Sawir laga qaaday magaalada Mekelle
Sawir laga qaaday magaalada Mekelle

Qaramada Midoobey ayaa sidoo klae walaac ka muujisay inaysan hay’adaha gargaarka fursad u heleyn inay gaaraan dadka dagaalada ay saameynta ku yeesheen.

Warka Tigrayga

 

Dhinaca kalena Ciidamada TPLF ayaa xalay mar kale gantaallo ku garaacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, taasi oo sare usii qaaday cabsida laga qabo in dagaalka Ethiopia uu ku fido gobolka.

Ugu yaraan laba gantaal ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaceen Asmara, kuwaasi oo laga soo tuuray gobolka Tigray, sida ay sheegeen afar diblomaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaraaha ka dhashay gantaallada.TPLF ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda gantaallo kale oo lagu garaacay Asmara laba toddobaad ka hor, waxyar un kadib markii uu dagaalka billowday.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu Khamiistii sheegay in dagaalka uu ku hayo gobolka Tigray uu galay “wejigii saddexaad.”

Abiy ayaa sidoo kale mar kale diiday inuu wada-xaajood la galo kooxda TPLF, wuxuuna baaqyada arrintaas la xidhiidha ku sheegay “faro-gelin” lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Eritrea.

Dhinaca kale, dowladda Tigray ayaa Jimcihii sheegtay in ciidamada federaalka Ethiopia ay duqeynayaan magaalooyin iyo xaafado, ayaga oo khasaare xooggan gaarsiiyey shacabka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this