Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeyaha dekedda Muqdisho oo ka bad-baaday qarax lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay isgoyska Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala bartilmaameedsaday gaari uu la socday maareeyaha dekedda Muqdisho, Axmed Washington, kaas oo ka bad-baaday qaraxaasi.

Weerarkan qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, iyada oo xalay is-miidaamin ay dhacday wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this