Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeyaha dekedda Muqdisho oo qarax lala eegtay & khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan, halka loo yaqaano Laansaleeti.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho Axmed Waashinton, inkastoo uu ka bad-badaay qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka mid ahaa ilaalada maareeyaha ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana jira waxyeelo kale oo soo gaartay dad shacab.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Xalay ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo dhalinyaro lagu dilay uu ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

The post Maareeyaha dekedda Muqdisho oo qarax lala eegtay & khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this