Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Itoobiya oo sheegay in ay kaabiga u saaran yihiin xarunta Tigray ee Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milateriga Itoobiya, ayaa sheegay in ay dhowr jiho weerar culus kaga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Sarkaal ka tirsan Milateriga Itoobiya, ayaa warbaahinta dowladda Itoobiya u  sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle .

Waxa uu sheegay in ciidankii ka dhaqaaqay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhanka Adigrat, ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka dhaqaaqay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa sarkaalku tilmaamay in ciidankii ka tegay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Sidoo kale, wuxuu xusay in ay kaabiga u saaran yihiin magaalada Mekelle ee caasimadda u aha Gobolka Tigreega islamarkaana ay qabsan doonaan saacadaha soo socda.

PUNTLAND POST

The post Milateriga Itoobiya oo sheegay in ay kaabiga u saaran yihiin xarunta Tigray ee Mekelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this