Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo maanta ka doodaya Heshiiska DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Sabtiya dood ka yeeshaan Heshiiska Shirkadda DP World ee Horumarinta dekedda Boosaaso.

Xildhibaannada Baarlamanka, ayaa ku kala qaybsan doodda ku saabsan Heshiiska DP World, waxaana mudanayaasha qaarkood aaminsan yihiin in laga baxo Heshiiska, maadaama uu ku fuli waayay wakhtigii loo qabtay.

Xildhibaanno kale, ayaa dhankooda aaminsan in laga war-sugo wada-hadalka u socda Xukuumadda Puntland iyo Shirkadda DP World, kaas la xiriira fulinta Heshiiska Horumarinta dekedda Boosaaso.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni oo Khamiistii Kulan guud la yeeshay Baarlamanka ayaa ka codsaday in aysan siyaasadayn Heshiiska DP World, waxaana uu xusay in DP World iyo xukuumadda Puntland uu u socdo wada-hadal ku saabsan fulinta Heshiiskaas.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo maanta ka doodaya Heshiiska DP World appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this