Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka oo Safar Qarsoodiya Jimcaha Maanta ku yimi Muqdisho+Ciduu la kulmay & Ujeedada safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka oo Safar Dhukusaada Jimcaha Maanta ku yimi Muqdisho+Ujeedada safarkiisa

miller-1024x683.jpg

Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa Jimcaha maanta ah booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay Soomaaliya, tani oo ah booqashadii ugu horeysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya. Waa lugtii ugu dambeysay ee booqasho uu Miller ku tagayo afar waddan ee safarkiisan oo ah kii u horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor.

Miller ayaa ku sugnaa saacado kooban oo kali ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugan, ka dib markii uu ka kicitimay xerada militariga Mareykanka ee Camp Lemonnier ee dalka deriska ah ee Jabuuti.

In kastoo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku ay tahay in ay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro munaasabadda Thanksgiving-ka ama mahadnaqqa, waxa ay booqashadani ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo in uu Soomaaliya ka soo saaro ku dhowaad dhammaan 700 ee askari ee Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo caawimaad siiya ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara isla markaana la taliya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab oo ah kooxda ugu weyn ee ka tirsan Al-Qaacida.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyagoo bishii hore duqeyn ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Pentagon-ka ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin dhimista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, laakiin saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta CNN in dhimis ballaaran la filayo maalmaha soo socda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this