Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu hoobtay oo Gilgilay Muqdisho Caawa+Tirada Dhimashada,Dhaawaca & Xoggo kale oo xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

 Qarax lagu hoobtay oo Gilgilay Muqdisho Caawa+Tirada Dhimashada,Dhaawaca & Xoggo kale oo xasaasiya

Qaraxa Makhaayadda Gelato Divino
Qaraxa Makhaayadda Gelato Divino

Qof bam isku soo xiray ayaa isku qarxiyay makhaayadda Gelato Divino oo ah goob jalaatada lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxaa ku dhintay tiro dad ah, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, walina si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday. Adeegga gurmadka deg-deg ah ee Amiin ayaa sheegay in 7 qof ay ku dhinteen qaraxa, tiro ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.Wali lama oga qofka qaraxan fuliyay iyo cidda uu ka tirsan yahay.

Qaraxan ayaa dhacay saacado yar kaddib markii magaalada uu booqasho lama filaan ah uu ku tagay kusimaha wasiirka Difaaca Maraykanka Christopher Miller oo isagu halkaasi kula kulmay sida la sheegay qaar ka tirsan ciidamada Maraykanka ee Somalia ka howlgala.

Booqashada Miller ayaa imanaysa iyadoo warar ay sheegayaan in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo inuu 759 askari oo Maraykan ah ka saaro magaalada Muqdisho, kuwaasi oo halkaasi u jooga inay caawiyaan isla markaana ay tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this