Sign in to follow this  
Deeq A.

Rayid ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20201127_213307.jpg?resize=720%2C565&sslMaqaayadda qaraxu ka dhacay

In ka badan 5 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad lagu iibiyo jalaatada oo lagu magacaabo Devino oo ku taal waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ka timaada Maka Al-Mukarama.

Dadkii qaraxa ku dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka Muqdisho, waxaana dhici karta in khasaaruhu kordho.

Dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa u badan dhallinyaro ka adeeganayay muqaayadda.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen ajaanib Talyaani ahaa, kuwaas oo aan la ogayn in waxyeello gaartay in kale.

Ciidamada amaanka dowladda ayaa tagay halka qaraxu ka dhacay, waxayna xireen aagga, iyagoo u diiday warbaahinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Rayid ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this