Deeq A. Posted November 27, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan Gelato Divino oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal. Sidoo lale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa. Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo u badnaa dhalinyaro ku sugnaa halkaas, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites