Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka ka socday Gobolka Tigray & Xaallada Caasimada Tigrayga+Weriye ku sugan Mekelle oo….

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed
Ra’isal wasaarah Itoobiya Abiy Axmed

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa sheegay dagaalka Tigraay inuu galay wajigiisi seddexaad ee uu dambeeyey, ciidamadiisuna ay wadaan dagaal ballaadhan oo ay ku qabsanayaan caasimadda deegaanka Tigraay ee Maqale.

Wuxunna Abiy sheegay ciidamadiisu inuu ku amray dagaalka iney u galaan si taxaddar leh ayna qaadaan wax kasta oo ay ku yareyn karaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaari kara shacabka rayadka ee magaalada Maqale ku nool.

Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya magaalada Maqale waxay sheegeen iney dagaalka sii wadayaan oo ay marnaba ciidamada Abiy iisu dhiibeyn.

Qaramada midoobayna waxay ka digtay suurtagalnimada dambiyo daagaal iney ka dhacaan magaalada Maqale inta uu dagaalka uu socdo.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet oo BBC u warrantay waxay sheegtay dadka magaalada ku nool iney soo wajahday “qatar aad u weyn”.

“Runtii waa mid laga argagaxo xaaladda halista ah ee ay ku jiraan shacabka Tigraay gaar ahaan, dadka rayadka ah ee ku xayiran magaalada Meqale,” ayey tiri.

Waxayna intaa ku dartay “suurtagalnimada iney dhacaan xadgudubyo halis ah oo ka horimanayo sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga”.

Hadalkan Abiy ayaa ku soo beegmaya kaddib marki uu dhammaaday seddexdi maalmood ee ay dowladda u qabatay xoogagga TPLF iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan.

Haweeney ka mid ah qoxootiga ka qaxay Tigraay
Colaaddaasi ayaa la rumeysan yahay boqollaal qof iney ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen

Boqollaal qof ayaa lagu soo warramayaa iney dagaalka afarta toddobaad ka socday deegaanka Tigraay boqollaal qof ay ku dhinteen kumannan kalana ay ka qaxeen guriyahooda, xilli ay ciidamada Itoobiya gabsadeen magaalooyin badan oo ku yaalla deegaanka Tigray oo TPLF maamulayeen.

Xaqiijinta sheegashada dhinacyada dagaallamaya ayaa aad u adag, maadaamaa ay xaddidan yihiin wararka la heli karo, maadaamaa ay telefoonnada iyo internet-kana ay go’an yihiin.

Daniel Birhane oo ah wariye isla-markaana ka faallooda arrimaha siyaasadda oo ku sugan magaalada Maqale oo BBC u warramay wuxuu sheegay gudaha magaalada inaan laga dareemeyn saansaan colaadeed sidoodina ay ‘u cammiran yihiin’ maqaayadaha, baararka, huteellada iyo goobaha laga dukaameysto.

Seddex ergo oo ka socota Midowga Afrika oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyeen sidii loo joojin lahaa colaadda Tigrayayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Saddexdan mas’uul ayaa kale ah: Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Ellen Johnson Sirleaf oo hogaamin jirtay Liberia iyo Kgalema Motlanthe oo muddo kooban madaxweyne ka ahaa Koonfur Afrika.

Balse ergada seddexda ah looma oggolaan iney safar ku tagaan deegaanka Tigraay.

Kumannaan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka Tigray

Cabsida laga qabo dagaalka Maqale

Wariyaha BBC News uga soo warrama Addis Ababa, Qalkidan Yibeltal

Dagaalkan ‘kama dambeysta ah’ uu Dr Abiy ku amray iney ciidamadiisu ku qaadaan caasimadda Maqale ayaa imanaya kaddib marki ay dhammaatay seddexdi maalmood ee loo qabtay xoogagga TPLF iney isku soo dhiibaan.

Wuxuu Abiy Axmed sheegay dagaalkan inuu yahay mid caddaaladda lagu meel marinayo, iyada oo laga taxaddarayo waxyeellada shacabka rayadka ah iyo burbruka hantida shacabka soo gaari karto.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheegay iney dagaallo dhuumaaleysi ah ay deegaannaada ku gadaaman Maqale ay kala kulmi karaan.

Taasoo keeni karta inuu dagaalka uu sii daba dheeraado iyada oo ay dowladda dhexe horay u sheegtay iney dagaalka muddo gaaban ku soo gabagabeyneyso.

Ra’isal wasaare Abiy Axmed muxuu sameeyey?

Abiy Axmed wuxuu ciidamadiisa uu ku amray iney qaadaan dagaal ‘kama dambeys ah’ oo ay ku qabsanayaan magaalada Maqale oo ay weli gacanta ku hayaan xoogagga TPLF.

Mr Abiy wuxuu sheegay “in aad looga taxaddarayo” waxyeellada shacabka soo gaari lahayd sidi loo yareyn lahaa isla-markaana caasimadda Maqale burburka dagaalka ka soo gaaraya loo yareyn lahaa

Sawir muujinaya gawaari safaf dhaadheer ugu jirto magaalada Maqale si ay shidaal u helaan
Magaalada Maqale waxaa ku nool 500,000 oo qof

Shacabka ku nool magaalada Maqale wuxuu sida oo kale uu ugu baaqay iney hubka dhigaan guriyahoodana ay ka soo bixin, ayna ka fogaadaan goobaha ay ciidamadu bartilmaameedsan karaan.

“Xaruumaha diimaha, goobaha taariikhiga ah, hay’adaha dowliga ah iyo xaafadaha ay dadka rayadka ah deggan yihiin ciidamada bartilmaameed uma noqonayaan” ayuu yiri Dr Abiy.

TPLF sidey uga falcelisay hadalka Abiy?

Hoggaamiyaha xisbiga TPLF ee deegaanka Tigraay Debretsion Gebremichael, wuxuu sheegay ciidamadiisu “iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda aan u leennahay inaan ismaamulno”.

Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya
Boqollaal qof ayaa lasoo tabiyay inay ku dhinteen dagaalka

Ciidamada daacadda u ah TPLF oo isugu jiro booliska gaarka ah iyo maleeshiyaad waxaa tiradooda lagu qayaasaa 250,000 oo qof.

Dadka u dhuundaloola xaaladda dagaal ee ka taagan Itoobiya waxay sheegeen dagaalka inuu u diga rogon karo dagaal dhuumaaleysi ah oo ay sameeyaan xoogagga TPLF, xataa haddii ay dowladda dhexe gacanta ku dhigto caasimadda Maqale.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo ku dhow TPLF waxay sheegtay “dad badan iney magalada Maqale ku abaabuleen, waxayna magaalada ka qodeen dhufeyso iyada dad badanna ay ku hubeeyeen qoryaha AK-47.

Tigray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this