Sign in to follow this  
Deeq A.

Hantidhowraha qaranka oo shir ka daahfuray magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka oo ay Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada uga qaybqaateen qaabka muuqaal-aragga ah, ayaa waxaa la isku waydaarsaday khibrado iyo casharro la xiriiray nuucyada kala duwan ee baarista ee lagu sameeyo hay’daha kala duwan ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.

Hantidhawraha Guud ayaa dhiniciisa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay isagoo uga mahadceliyay Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada wada-shaqayntooda dhaw ee ay la leeyihiin XHG isla markaasna ballanqaaday in “Qorshaha Istiraatiijiyadda XHG ee 2020-2022 lagu dari doono qodobbo gaar ah oo ka jawaabaya baahiyaha xafiisyadaas isla markaana xoojinaya iskaashigii horay u jiray”.

Sidoo kale, Xafiisyada Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa soo bandhigay soojeedinno ku saabsan guulihii ay xafiisyadoodu ku tallaabsadeen, caqabadaha kala duwan ee ku hor gudban iyo dhinacyada ay mustaqbalka dalbanayaan in lagala shaqeeyo.

Hantidhawraha Guud ayaa shirka soo xiray isagoo adkeeyay in si dhab ah loo taabbagalin doono qodobbadii la soo jeediyay intii uu kulanku socday

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this