Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad xukunka ka khafiifisay Nin dad ku laayay Masaajid

Recommended Posts

Deeq A.   

Quebec (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa xukunkii ay kal hore ku rideen ka khafiifiyay nin dad ku laayay masaajid ku yaalla magaalada Quebec sanadkii 2017.

Alexandre Bissonnette oo 31-jir ah ayaa geystay fal arxan darro ah, waxeyna maxkamadda laba jeer ku xukuntay xabsi daa’in.

Ninkaan wuxuu weerar ka geystay Quebec Islamic Cultural Centre, isagoo rasaas ku furay dad halkaas ku cibaadeysanayay 6 qofood ayaa weerarkaas ku dhintay halka 5 qofood ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Si kastaba maxkamadda sare ee magaalada Quebec ayaa dib uga noqotay xukunkii ay kal hore ku riday, wuxuuna haatan xabsiga ku qaadanayaa kaliya 25-sanadood halka markii hore uu ku qaadan lahaa 40-sanadood.

Waan ka qoomameynayaa waxa aan sameeyay. Ma ihi argagixiso, mana necbi Islaamka” ayuu maxbuuska u sheegay garsooraha maxkamadda.

Muslimiinta ku nool Quebec ayaa ka xumaaday go’aanka maxkamadda, waxeyna sheegeen iney ka niyad jabsan yahiin xukunka maxkamadda racfaanka.

Ugu dambeyntiina Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa waxey xukunkii hore ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

The post Maxkamad xukunka ka khafiifisay Nin dad ku laayay Masaajid first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this