Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey dilkii uu Cumar Filish ugu hanjabay mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka fal-celiyey hadalkii maanta ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxuuna u soo jeediyey in aysan soo adeegsay madaxweyne Farmaajo iyo agaasime Fahad.

Cumar Filish ayaa maanta ku baaqay in la dilo mucaaradka, isaga oo usoo daliishaday laba aayad oo ku jira suurta Al-Axzaab oo kala ah:-

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا (60) مَلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوا أُخِذُوا وَقُتِّلُوا تَقْتِيلًا

“Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Qoraalka Mahad ayaa intaas ku sii daray, “Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi.”

Cumar Filish ayaa kulan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Midowga Musharaxiinta oo maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku dalbanayaan in la kala diro guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xariira doorashada.

“Maanta in nalagu handado Mogadishu Clan ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Ra’iisul Wasaare Rooble Mogadishu Clan maaha miyaa? anigu gudoomiyaha gobolkaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Mogadishu Clan maahi miyaa? mise duurkaan ka imid” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

The post Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey dilkii uu Cumar Filish ugu hanjabay mucaaradka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this