Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ruxay Markab ku xidhnaa dekad ku taalla Dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax ruxay Markab ku xidhnaa dekad ku taalla Dalka Sacuudiga

154B0225-0E49-4970-9B9A-FB0E7C690DC7_cx0

Qarax xooggan ayaa Arbacadii ruxay Markab saliidda qaada oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Greece, kaasi oo ku xidhnaa dekedda Shuqaiq ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas sheegay saraakiil Greek ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa weerarkan ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Markab Agrari, oo sita calanka dalka Malta, ayaa “waxaa weeraray koox aan la garaneyn” isaga oo isku diyaarinaya inuu ka shiraaqdo dekedda Badda Cas ku taalla ee Shuqaiq, sida ay sheegtay shirkadda Greek ee TMS ee maamusha.

Shirkadda waxay sheegtay in wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah aysan ka dhalan weerarka. Markabka ayaa waxaa saarnaa 25 shaqaale, oo toddoba ka mid ah ay u dhasheen dalka Greece.

Waxaa socda baadhitaan ay mas’uuliyiinta Sacuudiga ku sameynayaan dhacdadan, inkasta oo ay ku eedeeyen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Markabka ma sidin wax saliid ah markii uu weerarka dhacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Greece.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer ka fuliyey dalka Sacuudiga weeraro khasaare xooggan gaystay, ayaga oo sanadkii tegay weeraray xarumaha shidaalka laga soo saaro ee magaalada Riyadh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this