Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka faraha lagaga gubtay oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka faraha lagaga gubtay oo ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Tigray

Ethiopian media reporting the attack on Aksum airport
Qoraalka sawirka,Warbaahinta itoobiya oo ka warratay duulaanka garoonka diyaaradaha Aksum

Garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Aksum ee waqooyiga Itoobiya ayaa noqday goob dagaal oo ay isku hayaan xoogagga iska so horjeeda ee colaadda Itoobiya.

Ilo wareedyada taabacsan milatariga dowladda Itoobiya ayaa sheegay in milatariga ay gacanta ku hayaan maamulka garoonka, balse sida muuqato taasi kama horistaagin xoogaga gaarka ah ee Tigray inay weeraraan garoonka dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay oo ay burbur xoog leh gaarsiiyaan dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Iyadoo isgaarsiintu ay wali go’an tahay ma ahan mid sahlan in la xaqiijiyo sheegashada laba dhinac.

Balse waxaan eegnay muuqaalka weerarka la sheegay in lagu qaaday garoonka, waxaanna barbardhignay sawirrada garoonka oo lagu qaaday dayax gacmeedka si aan qiyaas uga qaadanna sida ay wax dhaceen.

Dagaalka garonka Aksum

axum.jpg

Xoogagga Itoobiya ayaa qabsaday garoonka 11-kii November, sida ay dad taabacsan dowladda ku qoreen baraha bulshada.

Wixii intaasi ka horreeyay waxay gacanta ugu jireen xooggga gaarka a ee TPLF.

Balse waxay u muuqataa in gacan ku haynta garoonkaasi iyo deegaannada ku xeeran aan lagu kala bixin taariikhadaasi sida ay ku doodeen taageerayaasha dowladda.

Maalintii Khamiista ee 19-ka November ayaa hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael, waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in magaalada Aksum ay iyaga wali gacanta ku hayaan, balse ma cadda in garoonka uu ku jiray gacantooda iyo in kale.

”Akusm anagaa wali gacanta ku hayna, ciidammo ayaa la soo diray si ay noola dagaalamaan. Balse dagaal ayaa wali socdo”, ayu yiri Debretsion

bbc

Maalintii Jimcaha oo ku aadanayd 20-ka November, dowladda ayaa daaha ka rogtay inay la wareegtay magaalada Aksum, balse ay TPLF dhaawac ballaaran gaarsiisay kaabayaasha magaalada.

Axaddii oo ay taariikda ku beegnayd 22-kii November, ayay warbaahinta dowladda waxa ay daabacday muuqaal iyo sawirro muujinayay burbur soo gaaray dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aksum iyo godad u muuqday dhufeysyo laga qoday gudaha garoonka.

M
Muuqaal ay daabacday dowladda oo muujinaya burburka Aksum

Si aan u oggaano in muqaaladani ay dhab yihiin iyo in kale, waxaan eegnay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya xaaladda garoonka ka hor iyo ka dib weerarka.

Satellite imagery of Aksum Airport from 19 November
Muuqaalka dyax gacmeedka ee 19 November, ka hor inta aan la weerarin garoonka

Khamiistii ee 19-ka November, waxay u muuqatay in garoonka uusan qabin wax dhaawac ah marka la eega sawirrada laga qaaday hawada sare.

Balse sawirrada lagu qaaday dayax gacmeedka Isniintii 23-kii November, ayaa tusaya xariiqimo taasoo malaha xaqiijin u ah sheegashada dowladda ee ah in dhufeysyo laga qoday garoonka si aysan diyaaradaha ugu dagin.

This satellite imagery from the 23 November shows the airport after the attack
Muuqaallada lagu qaaday dayax gacmeedka 23 November, ayaa muujinaya sida garoonka u ekaaday weerarka ka dib.. waxaa la arki karaa wax u muuqdo godadka iyo dhagxaan la dhigay garoonka

Baaritaanno kale ayaa ka marag furay caddeymahan.

Dowladda Tigray wax jawaab ah kama soo saarin sida ay wax uga dhaceen garoonka.

Mr Debretsion ayaa haseyeeshee beeniyay in xoogagiisa ay burburiyeen garoonka balse waxa uu xaqiijiyay in jidgooyooyin la dhigay garoonka

Sawirrada marin habaabinta ah xilli xogta la xayiray

Iyada oo uu qadka internetka go’anyahay , xiriirka isgaarsiineed ee taleefonadana ay ka maqanyihiin gobolka Tigray, ayay aad u adagtahay in sawirro sax ah laga helo waxyaabaha dhacaya.

Warbaahinta dowladda ayaa ah mid gebi ahaanba dowladda ay gacanta ku hayso, iyada kaliyana ay galaangal u leedahay deegaanada dirirta ka socoto, iyada oo ay intaasi dheertahay in baraha bulshada ay ka buuxaan sawirro marin habaabin ah.

Markii lasoo sheegay in ciidanka militariga ay qabsadeen garoonka diyaaradaha, baraha ay maamulaan dadka dhanka dowladda dhexe u janjareera waxa ay bilaabeen in ay baahiyaan sawirro hore oo aanan wax xiriir ah la lahayn dhacdooyinka hada socda, kuwaas oo ka dhigaya in ciidanka ay garoonka ku suganyihiin.

Old photos of an Ethiopian pilot - unrelated to the current conflict
Sawirro hore oo duuliye itoobiyaan ah oo aan la xiriirin colaadda hadda tagan

Xaqiiqda waxa ay tahay in sawirro ay yihiin kuwa ku saabsan weerar lagu qaaday garoon ku yaala dalka Liibiya sanadkii 2014-kii.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday in ay dib usoo celiso xiriirka isgaarsiineed.

An image from a bombed Libyan airport from 2014 has been wrongly attributed to the attack in northern Ethiopia
Sawirrada garoon ku yaalay Liibiya oo la duqeeyay 2014-kii oo si khaldan loola xiriiiyay colaadda Itoobiya

Muxuu muhiim u yahay garoonka magaalada Aksum

Itoobiya waa dal aad u weyn oo ay muhiim tahay in garoomada shaqeeyaan si saanadaha loo mariyo ciidanka militariga ah.

Gobolka Aksum waa goob muhiim u ah sababo la xiriira xagga taariikhda facaha weyn ee uu leeyahay.

Agaasimaha Iskuulka Arrimaha Caalamiga ah ee Balsillei, Prof Ann Fitz-Gerald ayaa tiri ” Aad ayuu muhiim u yahay sababtoo ah garoomadii kale ee Baxar Daar iyo Goondhar waxaa la gaarsiiyay burbur, wuxuuna muhiim u yahay dhanka amniga iyo daabulista ciidamada, iyo sidoo kale in la helo qadad lagu wada xiriiro oo la taaban karo.”

„Haddii ciidamada heerka goboleed ay iyaga haysan waayaan garoomada, talaabada xigta waa in ay qalqal galiyaan in cid kale isticmaasho”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this