Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay lix ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa saaka toogasho ku fulisay lix nin oo ay horey xukunno dil ugu soo rideen maxkamadaha hoostaga maamulkaasi.

Lixda nin ee toogashada lagu fuliyey ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen deegaanada Somaliland.

Fagaare ku yaalla duleedka xabsiga Mandheera ayaa lagu toogtay raggaas, waxaana goobjoog ahaa mas’uuliyiin, ehelada dadka la dilay iyo kuwa wax dilay.

 Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf.

2-Sharmaarke Sahal Oogle.

3- Quulle Maxamed Cilmi.

4- Khaalid Cabdi Xaydar.

5- khadar Maxamed Warsame.

6- Cabdikariim Maxamed Mahdi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this