Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisalwasaarehii Hore Ee Sudan Al Mahdi Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa ku  geeriyooday Imaaraadka Carabta, kadib markii Covid-19 loo dhigay Isbitaal ku yaalla wadankaasi, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbigii isagu uu ka tirsanaa ee NUP.

Waxaana isbitaalkan la dhigay kaddib markii 21 qof oo ka tirsan qoyska ra’iisalwasaare  Al Mahdi ay qaadeen cudurka safmarka ah ee COVID-19 horraantii bishan November 2020-ka.

Saadiq Al Mahdi wuxuu ahaa 84 jir Ra’iisul wasaarihii Suudaan uu noqday tan iyo  sanadkii 1989-kii xilliggaas oo xilka looga tuuray afgembigii uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this