Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa sirdoonka CIA-da oo lagu dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Mareykanka ayaa dhowaan lagu dilay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wadankaasi, iyadoo dilkaasi uu dood ka dhaliyey howl-galka la dagaalanka argagixisada Mareykanka ee ka socda Qaaradda Afrika.

Ninkaasi ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidamada qalabeysan ee sirdoonka Mareykanka, isaga oo sidoo kale soo qabtay shaqooyin kale oo la xiriira dhinaca ciidamada.

Saraakiil hore oo ka tirsanaa Mareykanka ayaa sheegay in aan la ogeyn qaabka uu dhintay askarigaasi, haddii ay ahaan laheyd howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ama mid ay iyaga soo qaadeen.

Dhimashada askarta sirdoonka Mareykanka ka tirsan ayaa aad u yar, waxaana marka la bar-bar dhigo ay wax badan ka yartahay mida milateriga wadankaasi.

Dilka askariga ayaa imaanaya, kadib markii Donald Trump uu hore u sheegay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu ka saari doono dalka.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara siiya ciidamada dowladda iyaga oo sidoo kale ka qayb qaata weeraro qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this