Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad South African ah Oo La Qabtay, Xilli ay Dhac u Gaysanayeen Ganacsato Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa gabi ahaanba gacanta lagu dhigay Burcad South African ah oo ku guda jiray dhac ay u gaysanayeen Dukaamo ay Soomaali iyo Itoobiyaan leeyihiin oo ku yaalla Magaalada Swellendam oo (220 km) u jirta Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.

Kooxdan oo ka tagay Cape Town sida la xaqiijiyey, islamarkaana watay Gaariga (Bakkie) idiin muuqda, ayaa ka hor inta aan gacanta lagu dhigin waxaa la sheegay inay dhaceen Afar Dukaan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaali iyo Ethiopian ah.

Zakariye Seylax Cabdulle (Tooxoow), oo dhacdadan inooga waramay, ayaa sheegay inay Burcaddu dhaawaceen Muwaadin Ethiopian ah intii ay falka dhaca ah ku guda jireen, waxaana iminka lagu qabtay Caledon oo (113 km) u jirta Magaalo-xeebeedka Cape Town.

Waxaa la leeyahay Magaalooyinka ka baxsan Cape Town oo ay Soomaali badan mehrado kala duwan ku leeyihiin, ayaa ammaan ahaan aad uga wanaagsan meelaha qaar.

© Abdulrazak IndhaJaceyl 🎙South Africa
Goobjoog News 127768581_730749010876837_7488190926802001094_n.jpg?_nc_cat=108&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=VaFagFKeQRMAX94ncZt&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=44dd70063e6e2aef60c8a1e38361dbe0&oe=5FE2E33A

127662760_1061042454319193_4080707513649330311_n.jpg?_nc_cat=106&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=Np0c5IkhAnIAX8AXKF_&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=3ef77e48c0a00a1b60680925b28e1956&oe=5FE4F926

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this