Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2021

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16063073198351872.jpg?resize=720%

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021.

Fadhiga Golaha maanta oo soo xaadireen 54 mudane, ayay dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda dawladda Puntland, kadib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Baarlmaanka.

44 mudane ayaa ogolaaday odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 oo dhan $ 341,861,037 (Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dhowaan ayay ahayd markii madaxda Wasaaradda Maaliyadda ay Baarlamaanka horgeeyeen Miisaaniyadda 2021 ee maanta la ansixiyay.

PUNTLAND POST



The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2021 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this