Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo ciidanka Xoogga & AMISOM kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay taliyaha qeybta saddexaad ee ciidanka AMISOM iyo taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ra’iisul wasaaraha uu ku wehlinayay madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane,C/casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale

Inta uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka.

Sidoo kale Rooble ayaa faray saraakiisha ciidamada inay laba jibaaraan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this