Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo Suudaan ka caawineyso sharuudaha deyn cafinta IMF

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa kulan dhanka Online-ka ah la qaatay madaxda maaliyadda dowladda Sudan, si dalkeenna uu uga faa’iideeyo Suudaan  khibrada deyn cafinta, maadaama dalkaasi hadda uu dib u bilaalabayo sharuudaha IMF ee Soomaaliya ay ka gudubtay.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dawadda Soomaaaliya ay sharaf u tahay in wadanka aan walaalaha nahay ee Suudaan ay ka caawiyaan sharuudaha loo maro nidaamka deyn cafinta, Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP.

“Sharaf ayey inoo tahay in aan uga faa’ideyno khibradeena Deyn_Cafinta Dowladda Suudaan oo hada dib u bilaabaysa shuruudihii IMF ee Soomaaliya ay ka soo gudubtay,  Sida ku cad Qoraalkii IMF ee ahaa in Soomaaliya ay uga warbixiso Suudaan aqoonteeda ku aadan waddooyinkii Deyn_Cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka SMP, ayaa galabta waxaa inoo suuro galay in aan Online kula shirno madaxda Maaliyadda Suudaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiir Beyle ayaa sheegay in dib u habeynta maaliyadda dalka ay aheyd safar adag oo lasoo maray, isaggoo xusay in ay ka go’an tahay in lasii labo jibaaro dadaalka dawladda Soomaaliya ay ku haggaajineyso hanaanka maaliyadda.

“Had iyo jeer dib-u-habeynta Maaliyaddu waa safar adag, balse aan ka soo gudubnay oo faa’iidadiisana aan helnay. Waxaa naga go’an in aan sii laba laabno dadaalka aanu ku hagaajinayno hanaanka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiir beyle.

 Halkan hoose ka daawo sawirrada:-
127073137_2135356909931561_8895592370760 127192023_2135356759931576_6166524816279 127223147_2135356959931556_2667262461185

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this