Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Lafta Gareen oo weerar afka ah ku qaaday musharraxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weerarka afka ah ku qaaday musharraxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho ee ka qeyb-galaya doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadal ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aan loo baahneyn in musharraxiintu ay wax weliba ka eegaan dhanka xumaanta.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale xusay in midowga musharraxiinta loog baahan yahay inay dib u eegaan wixii ay horey u soo sameeyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka ka cabanaya Guddiyada ee u badan madaxdii hore waxaan ka codsanayaa inta ay kaligood meel fadhiistaan hasoo xusuustaan wixii ay soo sameeyeen, waxa aan hubaa in guddigaan lagu qanacsan yahay marka la eego reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta Gareen.

Hadalka Lafa Gareen ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay dood ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka oo ay cabasho ka keeneen midowga musharraiinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this