Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Rooble oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafladda oo madaxweynaha Koonfur galbeed mudane, C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusayay waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koonfur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

127257045_2857807241117058_7861724565281319533_o 127038630_2857807461117036_3148812513217384088_o 127091066_2857806997783749_2839291569889063396_o 127136860_2857806571117125_1523738325908157996_o 127203897_2857806584450457_6298863663498066312_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this