Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyaysay Geerida Marxuum Khaliif Ciise Mudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Rooble, ayaa tacsi udiray dhammaan dadka Soomaaliyeed geeridii ki timid Taliyhihii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya Gen. Khaliif Ciise Mudan

Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gen.Khaliif Ciise Mudan.” Ayuu yiri Ra’iisu wasaare Rooble

Marxuumku waxa uu ahaa muwaadin qiime badan oo qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah oo hagar la’aan ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ka waraabiyo annagana uu samir iyo iimaan naga siiyo.”

Gen. Khaliif Ciise Mudan, ayaa sidoo kale kamid ahaa As’aasayaashii Puntland, islamarkaana wuxuu ka soo noqday Wasiirka Amniga isagoo sidoo kale isu sharraxay xilka Madaxtinimada Puntland sannadkii 2019.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyaysay Geerida Marxuum Khaliif Ciise Mudan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this