Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo war kasoo saartay geerida khaliif Ciise Mudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaayey magaciisa, kan dowlad goboleedka punland iyo kan shacabka ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee gen. khaliif ciise mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka turkiga.

Alle ha u naxariistee khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka dowliga ah, waxa uu soo noqday taliyaha ciidamada cirka soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii puntland, waxa uu kasoo noqday puntland wasiirka wasaaradda amniga iyo ddr-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu alle swc uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo jannatul fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo Ummadda s\Soomaaliyeed iyo shacabka puntlandba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this