Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray gawaari lagu gubay Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay 7 gaari oo nuuca xamuulka qaada ah, kuwaasi lagu gubay deegaanka Emed Kooreey oo ka tirsan gobolka Bakool.

Afhayeenka Booliiska Sidiiq Aadan Cali ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gubeen gaadiidkaasi oo ay lahaayeen dad shacab ah.

Sidiiq Aadan ayaa intaasi ku daray in gawaaridaan ay ka soo baxeen dhanak magaalada Beledweyne, islamarkaasna ay ku sii jeedeen degmada Xudur ee gobolka Bakool.

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo-gal ah ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xoogan yihiin, islamarkaana ay ka heystaan deegaano iyo degmooyin intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this