Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne TRUMP Oo Ogolaaday Inuu Xilka Ku Wareejiyo Biden

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ogolaaday inuu bilaabo howsha uu xafiiska kula wareegi lahaa Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden.

Maamulka Adeegyada Guud (GSA) ayaa qoraal ay u direen Joe Biden waxa ay ku caddeeyeen inuu Biden yahay guulleysataha xilka Madaxweynaha, isla markaana ay bilaabayaan howsha xil wareejinta.

Donald Trump ayaa faray Hey’addaha federaalka inay si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Kooxda Joe Biden inay dhankooda guda galaan howsha looga baahan yahay xil wareejinta.

Madaxweyne Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay cadaadis kala kulmayay xubnaha sar sare ee aadka ugu dhow, iyagoo ka dalbanayay inuu aqbalo natiijada doorashada oo uu aad u diidanaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this