Deeq A. Posted November 24, 2020 Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Itoobiya, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdigan ayaa waxaa horkacayey la-taliyaha amniga ee dalka Itoobiya Gedu Andargacho, iyada oo ay labada dhinac ka wada-hadleen arrimo dhowr ah, sida dagaalka Itoobiya. Safiirka xukuumadda Addis Ababa u fadhiyo Muqdisho, Amb. Jamaludiin ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday taageerada dowladda federaalka ee midnimada Itoobiya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dhinac ay is-weydaarsadeen waxyaabo kala duwan, sida howl-galka sharci fulinta ee ka socda gobolka Tigreega. Jamaludiin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu muujiyey midnimo & taageero ku aadan howl-galka ka socda dalkaasi. Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah labo dal oo daris ah ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, kaas oo sii xoogeysanayeen sanadihii u dambeeyey. View the full article Share this post Link to post Share on other sites