Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo u gurmatay qoysas ay saameeyeen roobab ka da’ay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa ka daad gureeyay qoysas barakacayaal ah kamamkii ay daganayeen kadib markii ay soo galeen daadad xoogan oo uu sababay roob xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay gudaha magaalada Boosaaso, waxaana la dajiyey goobo ku meel gaar ah oo uu maamulka gobalka Bari u diyaariyey.

Roob xoog leh oo illaa shalay Boosaaso ka da’ay ayaa saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah oo barakacayaashu ka mid yihiin iyadoona maamulka degmadu xaqiijiyey in 12 kun oo qoys ku guryo beeleen roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay inta badan gobalka Bari.

Weli waxaa isa soo taraya khasaaraha kala duwan ee ka dhashay Duufaanta GATI oo ku dhufatay xeebaha waqooyi bari Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this