Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli uu jiro muran xooggan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli ay jiraan walaacyo badan.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa ku gacan seeray sida uu ku socdo hanaanka doorashada iyo guddiyada la magacaabay, waxayna shir ka fureen Muqdisho, ayada oo la filayo inay qaadacaan.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii.

Wuxuu intaas ku daray inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda. 

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri “Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%.”

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

The post Rooble oo sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli uu jiro muran xooggan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this