Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ‘gubay’ gaadiid iyo DF oo war kasoo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey gaadiid ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku gubeen duleedka degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Somalia.

Gaadiidkan oo ahaa nooca qaada xamuulka, islamarkaana u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka amba-baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ku sii jeeday dhanka magaalada Xudur, sida lagu sheegay warka Booliiska.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in gaadiidkaasi oo gaarayey illaa todobo dab la qabad-siiyey xilli ay marayeen deegaanka Emed Kooeey ee gobolka Bakool.

“Abaare 08:00 fiidnimo Alshanaab ayaa ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Beledweyne kuna sii jeeday Xudur” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Booliiska.

Al-Shabaab ayaa horey u go’doomiyey degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahano Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay weli ka heystaan degmooyin iyo deegaano dhowr ah.

The post Al-Shabaab oo 'gubay' gaadiid iyo DF oo war kasoo saartay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this