Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Ilhaan Cumar loo magacaabayo Wasiirka Amniga Mareykanka+Ilaha Warkaas laga helay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaa ka jira in Ilhaan Cumar loo magacaabayo Wasiirka Amniga Mareykanka+Ilaha Warkaas laga helay?

Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Baraha Bulshada, gaar ahaan Twitterka ayaa si weyn u hadal haya sheeko ku saabsan in dad ay ka mid tahay Ilhaan Cumar lagu soo daro golaha Wasiirrada ee madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

Siyaasiyiinta ay dadkan dalbanayaan in xukuumadda lagu daro ayey ka dhex muuqataa Ilhaan, iyagoo ku baaqaya in laga dhigo Wasiirka Amniga Gudaha ee dalka Mareykanka.

Markii ugu horreysay waxa uu mowduucan ka billowday qoraal ay Alexandria Ocasio-Cortez, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Fantasy sports: presidential admin edition.

Who’s in your dream cabinet? ⬇

— Alexandria Ocasio-Cortez (@AOC) November 10, 2020

Qoraalkaas ayey xildhibaanaddan ka tirsan Xisbia Dimuqraaddiga dadka ku weydiisay cidda ay ku riyoonayaan in lagu soo daro golaha wasiirrada ee cusub.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa aad la isula dhex marayay magacyada dadka lala jeclaan lahaa xilalka sar sare ee dowladda uu garwadeenka ka noqon doono Joe Biden. Dabcan dadka ugu badan ee ololahan wada waa taageerayaasha Dimuqraaddiga iyo madaxweynaha la doortay.

Hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu soo hadal qaaday in Ilhaan loo magacaabayo xil wasiirnimo.

Sheekadan ayaa cirka isku shareertay kaddib markii telefishinka Fox News, oo ka mid ah warbaahinta taageerta Madaxweyne Donald Trump uu qeybtiisa ganacsiga kusoo qaatay hadal-heyntan.

Waxay tallaabadaas u muuqatay mid lagu baraarujinayo taageerayaasha maamulka Trump.

Everyone at Fox truly lives in a alternate universe 🤦🏽‍♀️ pic.twitter.com/bIv7aeSeK7

— Ilhan Omar (@IlhanMN) November 23, 2020

Ilhaan Cumar ayaa iyadoo ka falcelineysa sida uu mowduucan u wajahay Fox News barteeda Twitter-ka kusoo qortay: “Qof walba oo Fox jooga wuxuu ku nool yahay duni kale.”

Siyaasiyiinta kale ee hadal-heyntan magacyadooda lagu xusay waxaa ka mid ah Rashida Tlaib oo iyadana ay dadka xisbigeeda taageersan dalbanayaan in loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda.

Elizabeth Warren ayaa lagu baaqay in laga dhigo wasiirka maaliyadda, halka Bernie Sanders lala jeclaaday Wasiirka Gaashaandhigga. Andrew Yang oo ka mid ah siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ayaa isagana lasoo jeediyay inuu noqdo wasiirka gaadiidka.Ilhaan Cumar waxay ka mid tahay siyaasiyiinta sida weyn uu hardanka siyaasadeed kala dhaxeeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dadka hadal-heyntan ka fal-celiyay waxaa ka mid ah Soomaalida isticmaasha Twitter-ka.

Maanta waxaa socdo war ah in ilhaan cumar lala jeclaaday in loo magacaabo wasiirka amniga Maraykanka..Waa waxa ay jecelyihiin taageerayaasheeda Twitterka…laakiin reer Trump ay ka waalan doonaan. Bal ka waran Magaca Soomaali siduu cirka iskugu shareeri doono…🙏🏽🙏🏽😎😎 @IlhanMN

— Mo-Somali (@Mo_Dirie_AFC) November 23, 2020

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa la filayaa inuu xilka kala wareego Donald Trump 20-ka bisha Januaty ee sanadka 2021-ka, xilligaasoo uu dhammaanayo muddo xileedka Trump.

Laakiin ilaa hadda madaxweyne Trump ayaan wali qiranin in looga adkaaday doorashadii Mareykanka ka dhacday horaantii bishan November, walina wuxuu xoogga saarayaa sidii uu sharciga ula tiigsan lahaa natiijada doorashada, isagoo ku doodaya inuu yahay qofka ku guuleystay doorashada.

Eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn ayuu Trump ku sheegay in doorashada lagu shubtay, codadkii uu isagu lahaana laga xaday

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this