Sign in to follow this  
Deeq A.

Nolosha Soomaalida Wadanka Angola

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaalida ku nool Dalka Angola oo tira ahaan lagu qiyaaso Afar Kun ilaa Afar Kun iyo Shan Boqol oo Qof, oo qaarkood nalasoo xiriiray ayaa ka waramay noloshooda guud, iyagoo baaq culusna u diray Dowladda Dalkeena Somalia.

Aweys Macalin Nuur, oo ku nool Caasimadda Angola ee Luanda, ayaa ii sheegay in Soomaalida ay ka Ganacsadaan Suuqyada Sarifka Lacagaha, Dukaamada caadiga ah, Makiinadaha Galayda lagu shiido oo aad looga isticmaalo dalkaasi, iyagoo qaarkoodna ay ka shaqaystaan goobaha laga helo dhagaxa Dheemanka oo Angola caan ku tahay.

“Dhibaatada ugu weyn ee na haysata ayaa ah, halkan waxaan ku nahay qaxooti, ma haysano oo nalama siiyo Sharciyo lagu safri karo, marka laga reebo Warqado A4 ah oo Magacyadeena lagu qoray Sawiradeenana lagu dhejiyey, waxaa noosii dheer Askarta nagu qashqashaadda, sidaasi oo ay tahay hadana waxaan Bixinaa Canshuurta Dowladda, si lamid ah Dadka Wadaniga ah ama Daqliga badan ku leh Dalkani Angola” ayuu yiri Aweys.

Ma jirto, wax Safaarad ah oo ay u dhib sheegtaan, ama ka caawisa caqabadaha haysta Soomaalida ku nool Dalkaasi Angola, iyagoo Madaxda Dowladda Somalia si cod dheer uga codsaday inay baahiyahooda wax ka qabtaan oo ay dhaba kasta u qaadaan sidii ay Xukuumadda Angola ugala xaajoon lahaayeen nolosha Muwaadiniinta Soomaaliyeed.127222813_656130581723954_6772683342892091643_n.jpg?_nc_cat=107&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=rM8t-qVIs2wAX-n-xA0&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=0ab3d580e94033708f0f275d92a6b69b&oe=5FE21F10127124451_370423490699900_3430747837063820738_n.jpg?_nc_cat=105&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=76haDywvgVUAX_w80Ud&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=e26cef6b973a440aabb879408107e6f8&oe=5FE1D5A7

127115305_3704012709617230_6769780420431886737_n.jpg?_nc_cat=109&ccb=2&_nc_sid=ae9488&_nc_ohc=rXfsfFWLvkEAX8WRkFc&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=adb92161f60ff34b8a381e3774b9fd4e&oe=5FDFC948

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this