Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mursal iyo Muudey oo ku biiray shirka Muqdisho uga socda musharaxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii balaartay shirka Muqdisho uga socda musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay ku biireen mas’uuliyiin hor leh.

Guddoomiyaha galaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa ku biiray shirka.

Shirka ayaa seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Isniintii maanta ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo shirka, sida ugu qoran boorka, balse weli waa uu sii soconayaa, lamana sheegin goorta la soo gabagabeynayo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo siyaasiyiin uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta ku biiray shirka.

Musharaxiinta qabatay shirkan ayaa ka biya diidsan hanaanka ay Villa Somalia u maamuleyso arrimaha doorashada dalka.

Si gaar ah musharaxiintan iyo siyaasiyiin kale oo uu ku jiro guddoomiyaha Aqalka Sare waxay uga soo hor jeedaan guddiyadii la magacaabay ee doorashada, kuwaas oo ay sheegeen in laga soo kala xushay NISA iyo shaqaalaha dowladda.

mursal-iyo-muudey-muudeey.jpg shirka-musharaxiinta.jpg

FB_IMG_1606151696334.jpg FB_IMG_1606151687497.jpg FB_IMG_1606151690261.jpg FB_IMG_1606151693772.jpg FB_IMG_1606151690261-1.jpg FB_IMG_1606151687497-1.jpg FB_IMG_1606151683157.jpg

The post Sawirro: Mursal iyo Muudey oo ku biiray shirka Muqdisho uga socda musharaxiinta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this