Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo bixiyey shahaado sharaf & billado

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay  dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

“Soo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas  beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaran”.

Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garoommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya.

Halkan hoose daawo sawirrada:

127129372_3555712211179898_1294185300653942685_o 127174971_3555711404513312_808862285447367996_o Farmaa Farmaajo 127054395_3555712624513190_7608771109994365852_o 127056608_3555711794513273_1807108397161091168_o 127067034_3555711984513254_5892002552226808268_o 127087936_3555712677846518_2373460132600286493_o 127090545_3555711781179941_3330087750132616957_o 127094580_3555712091179910_7268263750944129215_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this