Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Tigrayga oo burburiyay Garoonka diyaaradaha ee Aksum+Gantaalo ay ku garaaceen Caasimada Amxaarada 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Tigrayga oo burburiyay Garoonka diyaaradaha ee Aksum+Gantaalo ay ku garaaceen Caasimada Amxaarada 

aksum-2.jpg

Ciidamo taabacsan TPLF ayaa lagu soo warramayaa inay burburiyeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada taariikhiga ah ee Aksum, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada dowladda ay sheegeen inay la wareegeen magaalooyin muhiim ah sida Aksum, magaaladan waxaa horraan gacanta ugu hayay ciidamada TPLF.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinayo in xooggaga TPLF ay burbur u geysteen garoonka diyaaradaha ee Aksum, waxaana adag in la xaqiijiyo wararkan maadama uu gobolka ka go’anyahay khadka isgaarsiinta.

Warbaahinta Fana ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada garoonka burbursan.

#Ethiopia: Desperate #TPLF destroys infrastructures, including #Axum_Airport https://t.co/MEth1AO0ve pic.twitter.com/wtr5QW2t2S

— FBC (Fana Broadcasting Corporate S.C.) (@fanatelevision) November 23, 2020

Shacabka ku nool caasimadda gobolka Amxaarada ayaa BBC-da u sheegay in saaka ay maqleen qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Bahirdarbahirdaar.jpg

Waxaana looga shakisan yahay in gantaallo ay ciidamada TPLF mar kale ku garaaceen gobolka Amxaarada.

Dhawaan ayay aheyd markii gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xooggaga TPLF u qabtay muddo 72 saacadood ah si ay isku soo dhiibaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this