Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma ninka ku qalqaalinaya Trump in lagaga shubtay doorashada madaxtinimada ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa kuma ninka ku dirqiyaya Trump in lagaga shubtay doorashada madaxtinimada ee Mareykanka?

Rudy Giuliani
Rudy Giuliani, qareenka madaxweyne Donald Trump

Rudy Giuliani, qareenka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku andacooday in wax la isdabamariyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

Giuliani ayaa shir jaraa’id oo uu dhawaantan ku qabtay caasimadda Mareykanka ee Washington waxa uu ku celceliyay in kumannaan warqadaha codbixinta ah oo dheeraad ah waqti hore la geeyay goob codka lagu dhiibto oo ku taal magaalada Detroit.

Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa waxa ay ogaadeen in hadalka Giuliani uu salka ku hayo sheegashada haweenay ka mid ah dadka ka shaqaynayay doorashada oo ku andacootay inay aragtay laba gaari oo ay aheyd inay cunnada geeyaan xarumaha, hasayeeshee ay sheegtay ay tiri: “Weli ma aanan arkin cunto laga soo bixinayo labadaasi gaari, wax isku soo beegmay uun ma ahayn in la shaaciyay in Michigan laga helay in ka badan 100 kun oo warqadaha codbixinta ah laba saacadood uun kaddib markii uu gaarigii ugu dambeeya”.

Eeddaas iyo eedo kalaba waxaa lagu laalay xukun soo baxay 13-kii Nofeembar halkaas oo xaakimku uu sheegay in ay yihiin kuwo aan la rumaysan karin.

Giuliani
Giuliani waxa uu horkacayaa kooxda sharciga ee Trump

Sida ay ku celceliyeen kooxda sharciga ee madaxweyne Trump kuwaas oo uu horkacayo Giuliani, waxa uu madaxweynaha ku andacooday in dhibaato ay ka taagneyd nidaamka codbixinta ee gobollada qaar ee baratanka adag ka jiray arrintaas oo horseedday in malaayiin cod loo weeciyo ninka ay tartamayeen ee Joe Biden.

Kooxda xaqiiqooyinta baara ee BBC-da ayaa sheegtay in aanan wax caddayn ah loo hayn arrintaasi, mana ay jirto wax arrintaas ku saabsan oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee Trump.

Sida ay sheegeen madaxweyne Trump iyo kooxdiisa qaanuunka waxaa gobollo muhiim ah lagu xisaabiyay codadka kumannaan qof oo dhintay.

Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa eeddaas waxa ay ka baareen 10 kun oo qof oo codkooda ka dhiibtay gobolka Michigan kuwaas oo la sheegay inay dhinteen misana ay codeeyeen, waxaana la ogaaday in qeybtaas ay cayb laheyd hasayeeshee uusan jirin daliil cadaynaya eedahaasi.

Doorashada Mareykanka

Giuliani, Iiraan iyo Caalamka Carabta

Giuliani ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee bannaanka soo dhiga in Madaxweynaha Mareykanka uu ka bixi doono heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan. Arrintaas oo dhacday bishii May 2018, waxaana xigtay in cunaqabatayn dhanka ganacsiga iyo maaliyadda lagu soo rogay Iiraan.

Arrinta caalamka Carabta ku saabsanna gaar ahaan Bariga Dhexe, Giuliani ayaa tilmaamay in shirkaddiisa Giuliani ee ammaanka ay heshiis la saxiixatay wasaaradda arrimaha gudaha ee Baxrayn si ay gacan uga gaysato tababarka ciidammada booliska ee dalkaas.

Trump iyo Giuliani
Trump iyo Giuliani

“Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee qarsoonaa”

Soo shaacbixidda magaca Giuliani waxaa lala xiriiriyaa weerraradii Sibteembar 11 sanadkii 2001, markaas oo daarihii ganacsiga adduunka ee New York lagu weerraray laba diyaaradood oo la soo afduubay.

Giuliani-na xilligaas waxa uu ahaa maayirka magaalada, islamarkiibana waxaa lagu amaanay go’aan uu gaaray si uu uga falciyo musiibadaas halkaas ka dhacday.

Dadka waqtigaas aadka ula dhacay howsha uu hayay ayaa waxa ay ku tilmaameen “Maayirka Mareykanka” arrintaas oo ku dhalisay inuu go’aansado inuu helo taageerada Xisbiga Jamhuuriga si uu ugu tartamo doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2008-dii, hasayeeshee waxaa codkaas kaga adkaaday Senator-kii geeriyooday ee John McCain kaas oo xilligaas ku guulaystay taageerada Jamhuuriga.

Waxa uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ee waqtigii Madaxweynihii dhintay ee Ronald Reagan ee sideetameeyadii ka hor inta uusan New York ku laaban oo uusan ka noqon dacwad ooge guud.

Giuliani markaas waxa uu beegsaday madaxdii maafiyada oo ay ka mid ahaayeen madaxdii qoysaska shanta ah ee New York isagoo sheegay inuu meesha ka saari doono, sidoo kale waxa uu beegsaday musuqii ka jiray World Street-ka.

Markii ugu horraysay ee uu Maayirka New York u tartamo waxa ay aheyd 1989 isagoo ku tartamayay tigidhka Xisbiga Jamhuuriga si dirqi ah ayaana loogaga adkaaday magaaladaasi ay caadiyan Dimuqraadiyiinta ku badan yihiin.

Iskudaygiisii labaad ee 1993-kii ayuu ku guulaystay Maayirka New York waxa uuna gacanta ku dhigay magaaladii oo uu qaanuunno cusub uu ku soo rogay.

Mudadaasna waxaa la qaaday kumannaan dacwo oo ka dhan ah booliska New York kuwaas oo lagu tuhmay inay xadgudubyo sameeyeen.

Arrimahaas waxa ay horseedday in dambigii uu hoos u dhaco waana arrinta keentay in dhaqaalaha uu soo hagaago.

1997 ayaa waxaa loo doortay muddo xileed labaad, walow qaanuunka uu ka mamnuucayay inuu doorashada mar saddexaad u tartamo.

2000 waxa uu ku fakaray inuu galo baratanka kursiga senate-ka ee magaaladaas halkaas oo uu kula loolami lahaa Hillary Clinton hasayeeshee markii dambe waa uu isaga baxay tartanka duruufo caafimaad iyo in haweenaydii uu qabay ay kala tagayeen.

Hoggaamintii New York

Maamulkiisa ayaa u istaagay howlihii badbaadinta weerraradii Sibteembar wixii markaas ka dambeeyayna waxa uu noqday halyey dad badan ay u arkaan inuu wax badan qabtay, oo majaladda Time ayaa 2001 waxa ay u dooratay inuu noqday ninkii sanadka.

New York

Markii uu xafiiska banneeyay dabayaaqadii 2001-dii waxa uu noqday lataliye guul gaaray waxa uuna ku guda jiray arrimaha siyaasadda.

2007-dii waxa uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada ee Mareykanka maadaama uu isku arkayay inuu yahay hogaamiye muxaafid ah oo ku dheggan fulinta qaanuunka laakiin qaar ka mid ah arrimaha bulshada ayuu ku ahaa mid lebaraal ah.

Halkii uu diiradda saari lahaa inuu ku guulaysto taageerada Xisbiga Jamhuuriga ee gobollada waa wayn ayuu u weecday gobollada yaryar halkaas oo horseedday inuu guuldarraysto waxa uuna isaga baxay tartanka isagoo markaas taageeray senator John McCain.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this