Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha aqalka sare oo ku biiray shirka musharraxiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shirka musharraxxiinta, kaas oo galay maalintiisii saddexaad, waxaana looga hadlayaa xaaladda dalka & doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa maanta ku biiray guddoomiyaha golaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan & wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa la filayaa in shirka uu ka jeedo khubad ku aadan muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale shirkan oo lagu waday in maanta la soo xiro ayaa dib loo dhigay, iyadoo la soo gabagabeynayo beri oo Talaado ah, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed.

Soomaaliya ayaa wajaheysa marxalado siyaasadeed oo adag, iyada oo lagu jiro xilli kala guur ah oo uu dalku galayo doorasho isugu jira baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this