Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya iyo muranka doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimadda Online) – Magaalada New York waxaa maanta la filayaa inuu ka qabsoomo shir ay xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya.

Kulankaan looga hadlayo xaaladda ka jirta Soomaaliya oo walaac laga muujino, waxaa ka qeyb galaya wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya (James Swan), kaas oo ka warbixin doona xaalad walba oo ku gadaaman dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ka taagan doorashooyinka.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay wax ka qabato saddex waxyaabood oo ku gudban doorashada dalka, waxaana la filayaa inuu war culus kasoo baxo kaas oo ku saabsan doorashooyinka lagu wado inuu dalka galo.

Kulankaan wuxuu kusoo aadayaa xilli maanta uu wajigii saddexaad oo ah kii ugu dambeeyay galay shir musharaxiinta mucaaradka uga socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo si cad u diidan guddiyada doorashada oo ay magacaabeen dowladda.

Musharaxiinta mucaaradka waxey xukuumadda hadda jirta ku eedeeyeen iney saraakiil ciidan, shaqaalaha madaxtooyada iyo taageerayaal dowladda ah ka buuxisay guddiga, taasna aysan sharciga waafaqsaneen.

Si kastaba waxaa la sugi doonaa warka culus ee kasoo bixi doona kulanka ay maanta ku yeelanayaan New York, golaha amniga ee qaramada Midoobay.

The post Golaha Ammaanka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya iyo muranka doorashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this