Deeq A. Posted November 23, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan qadka Internet-ka waxaa uu kula qaatay u qaabilsanaha xogyaha guud ee Qaramada Midoobe arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan. Kulan oo ayaa inta badan waxaa xoogga lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta bulshada dhaqaalaha iyo taabogelinta doorashooyinka heer federaal oo la filaayo inuu dalku aado dabayaaqada 2020 iyo 2021-ka. James Swan ayaa waxaa uu hambalyo u diray madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa, kuwaas oo kusoo baxay doorashadii dhacday magaalada Jowhar 11-kii bishaan November. Beesha caalamka ayaa horay maamulkaan curudunka ah waxaa ay u balan qaadeen in ay ka taageeridoonaan dhinacyada amniga iyo mashaariic hormarineed, kuwaas oo laga fulin doono deegaannada Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites