Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha maxkamada sare oo shir-hawleed u soo xidhay guddoomiyayaal, garsoorayaal iyo kaaliyayaal ka tirsan………

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddiga cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta shir-hawleed u soo xidhay guddoomiyayaal, garsoorayaal iyo kaaliyayaal ka tirsan maxkamadaha gobolada Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo labadii cisho ee u danbeeyay, guddoominayay shir-hawleedka ay ka soo qayb galeen 40 xubnood oo iskugu jira guddoomiyayaal, garsoorayaal, kaaliyayaal iyo hawl-wadeenada kale ee heerarka maxkamadaha gobolada Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd, waxaanu warbixin kooban ka siiyay guddoomiyaha maxkamadda sare nuxurkii ka soo baxay shir-hawleedka.

Geesta kale waxa shirka ka hadlay Zafar Gondal oo ah khabiir UNDP u qaabilsan arrimaha cadaaladda, waxaanu sheegay in shirkan lagaga doodayay tababarada ay u baahan yihiin garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee maxkamadaha dalku uu yahay mid muhiim ah, waxaanu ku bogaadiyay masuuliyiinta maxkamadda sare sidii ay u soo abaabuleen shir-hawleedkan. Waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay shir-hawleedkan garsoorayaasha lagu waydiinayo tababarada ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo soo xidhay shir-hawleedka ayaa tibaaxay in shantii sanno ee lasoo dhaafay tababarada la siinayo hawl-wadeenada garsoorku, ay ahaayeen kuwo ku yimid qiimayn, halka haatan lagu salaynayo natiijada ka soo baxday shir-hawldeedkan, guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku boggaadiyay ka soo qayb galayaashii shir-hawleedka adeega wanaagsan ee ay u hayaan bulshadooda, waxaanu kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarada sidoo kalana ay dardar galiyaan shaqooyinkooda.

https://fb.watch/1WtK0hoeez/

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this