Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay hub fara badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen hub fara badan, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada ay ku soo qab-qabteen hub sharci darro ah oo lagu dhex heystay gudaha magaaladaasi.

Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Bari Gaashaanle Sare, Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay inay xogta hubkaasi ka heleen dadka rayidka ah.

Xuseen Cali Maxamuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan baaris ku aadan hubkaas iyo goobaha laga soo qabtay.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka ku booriyey inay sii labo jibaaraan wada-shaqeynay ay la leeyihiin ciidamada ka howl-gala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this