Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xukun ku ridday nin kufsi & dil ka geystay Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay maxkamadeynta Zakariye Cabdi Yuusuf oo lagu eedeeyey dilkii iyo kufsigii Burco loogu geystay AUN Ugbaad Cali Cabdullahi.

Maxkamadda gobolka Togdheer oo dhageystay kiiskan oo soo bilowday 25-kii October ee sanadkan 2020-ka ayaa ku dhowaaqaday go’aankeeda, waxaana maxkamaddu ay shaacisay in eedeysanaha lagu helay dacwaddii lagu oogay ee ah dilka iyo kufsiga.

Intaasi kadib maxkamadda ayaa ku dhowaaqday in Zakariye Cabdi Yuusuf lagu xukumay  dil toogasho ah, iyadoona dib loogu celiyey xabsigii uu ku xirnaa.

Fadhiga maxkamadda waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, kan gobolka, ehellada marxuumadda iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horey u ballan qaaday in kiiskan la dadajin doono, islamarkaana cadaaladda la marsiin doono dambiilaha.

Allaha u naxariistee Ugbaad Cali ayaa aheyd hooyo korineysay saddex caruur ah, iyada oo dilka iyo kusfiga loo geystay uu si weyn u taabtay dadka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this