Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoomiyaha cusub ee Sh/Hoose oo xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ee dhawaan uu xilka ka qaaday madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha csub ee gobolkaas Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafladda xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed, gobolka Sh/hoose iyo kan degmada Baraawe, waxayna dhammaan mas’uuliyiintii goobta ka haddashay ay bogaadiyeen shaqadii wanaagsaneyd uu soo qabtay guddoomiye Najax mudadii 20-ka billood uu xukunka hayay.

Qoraal kooban oo uu guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul K/galbeed Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayuu ku yiri “ Gobolka Shabellaha hoose oo aan soo xukumayay 20-kii billood ee la soo dhaafay waxaan gaarnay guulo waa weyn innagoo xaqiijinay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshadda sida Tabbabaridda maamulada,Daadajinta nidaamka dowliga ah,qodista kannaalo ay ku diirsadeen bulshadda, xureynta deegaano iyo degmooyin,hirgelinta in maamulka gobolka uu yeesho xafiis u si buuxdo ugu shaqeeyo, hirgelinta leerarka ku shaqeeya Cadceeda, furista wadooyin xirnaa, Dhismaha xarumaha ay ku shaqeenayaan maamulada Degmooyinka,Saldhigyada Booliska,MCH-yo iyo la dagaalanka Al shabaab oo dhibaata ku hayay shacabka.

Ugu dambeyntii, wuxuu u mahaceliyay cid kasta oo ku garabsiiyay shaqooyinkii uu soo qabtay, wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay madaxweynaha K/galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo u ogolaaday inuu u adeego Bulshadiisa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

126897176_979172679238463_19657661886314 126923297_1080689382389097_5266742502883 126928862_1080684502389585_4029368272004 126932647_1080684615722907_3181215053756 126934626_1080684572389578_5219998296459 126964877_1080684515722917_3198060619728 126997102_1080689372389098_8590924778594 127088911_1080684622389573_8013262832333 127120430_1080684682389567_1473549581431

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this