Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdikariin Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-29.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo u sharraxan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020/2021, ayaa xalay kulan gaar ah hoygiisa kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Wararku waxay sheegayaan, in Kulanka looga hadlay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday in doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo horaanta sanadka soo socda  ay noqoto mid ku dhacda waqtigeeda, isla markaana loo maamulo hanaan wanaagsan, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post Cabdikariin Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this