Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirweyne ballaaran oo ka furmay Muqdisho + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne u dhexeeya musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota 2020/2021-ka.

Shirka oo ah mid wada-tashi ah ayaa waxaa looga hadlayaa sida loo wajahayo doorashada iyo khilaafka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.

Waxaa shirka ka qeyb-galaya ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hoggaamiyaha xisbiga Ileys, Cabduqaadir Cosoble, hogggaamiyaha xisbiga Dan-Qaran Daahir Maxamuud Geelle, Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gaba-gabada shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa la filayaa in laga saaro go’aano adag oo la xiriira doorashada Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Sh 126613887_3534709393289955_5808361087068927310_n 126618035_3534709179956643_1964584789364295898_n 126783394_3534709723289922_8051969752909234615_n k

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this